Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhagayso jawaabtii madaxwayne xasan sheekh oo u jawaabay hadalkii kasoo yeedhay siilaanyo ee aqoonsiga maraykanku aqoonsaday soomali wayn

Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay warkii ka soo Yeedhay Maamulka Somaliland Madaxwaynaheeda Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee ahaa Aqoonsiga Maraykanka ee Somaliya taasi oo Madaxwayne Siilaanyo ku Tilmaamay Mid aan Saamayn ku Yeelan karin Siyaasada Gudaha iyo Dibada ee Maamulkiisa.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo Dibada dalka ku Sugan ka Jawaabay warkii Madaxwayne Siilaanyo waxana uu xusay in Aqoonsiga USA ee Dowlada Somaliya ay Guul la taaban karo u tahay Guud ahaan Somaliya.
Arrimaha Somaliland isaga oo ka hadlaya ayuu Sheegay in Somaliland ay ka Faa”iidaysato Dhaq Dhaqaaqa Siyaasadeed ee Beesha Caalamku ay wado.

Xaalada Siyaasadeed ee Somaliland.
Dowlada Britain oo aad u Badhi-taari jirtay Somaliland ayaa dhawaan War-Saxaafadeed ay soo saartay ku Sheegtay in Guud ahaan Shaqaalaha ka soo Jooga Gudaha Somaliland ay si Deg Deg ah uga soo Dhoofaan,waxana lagu Sababeeyay Arrinkaasi mid Amaanka Ku lugleh iyo Hanjabaado soo Gaadhay Shaqaalaha Ajaanibka ah ee ku Sugan Gudaha Magaalooyinka Somaliland.
Dhawaaqa ka soo Yeedhay Dowlada UK ayaa waxa aad uga xumaaday Shacabka iyo Siyaasiyiinta Somaliland, Banaanbaxyo ayaa laga Abaabulay Hargaysa kuwaasi oo lagu Muujinayo sida ay Reer Somaliland uga xun yihiin Hadalka Dowlada UK ka soo Yeedhay.

HALKAN KADHAGAYSO JAWAABTII

 

president_xasan_sheekh_1


This post has been viewed 576 times.