Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Hay’adaha amaanka dalka ayaa heegan sare la galiyay ka dib markii laamaha ammaanka ay heleen in kooxda Alshabaab ay qorshaynayaan weeraro xiliyada lagu jira fasaxa Kirismiska iyo sanadka cusub.
Kooxda Alshabab ayaa sida ay sirdoonka dalka sheegeen ay maleegayaan weeraro ay ku qaadaan meelo ka mid ah dalka.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo maalintii Talaadada ahayd 6 qof oo looga shakisan yahay Alshabab lagu xiray Ruka oo ku taala xadka uu dalka la wadaago Soomaaliya.
6daa qof ayaa waxa lagu qabtay saddax Bambo gacmeed, laba bistoolad iyo 84 risaas ah.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay militiriga dalka Kenya ay galeen Soomaaliya ayaa waxa dalka ka dhacay qaraxyo badan oo ay dowlada ku eedaysay kooxda Alshabab.
Weeraradaas waxa ay inta badan ka dhaceen gobolka waqooyi bari.