Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Lasoco waayaha kajira magaalada boorama iyo guud ahaanba gobolka awdal Q1: sideebay dadwaynuhu u arkaan dadka qurba jooga ah ee kasoo jeeda deegaanadaas

Marka hore waxaa mahad iska leh ILLAAHAY subxaanahu watacaaaa ina sii yey nimcooyin aad ubadan oo ay kamid yihiin nabadgalyada, xoolaha ,dhul aad uwanaagsan xeebo aad u balaadhan walina diin ama irmaan qofba siduu u yaqaano .

Hadaan ka faaloodo ciwaanka kor kuxusan ,sida markii aan waraystay dad aad ufara badan oo degan boorama una badan dad haysta nolol dhexdhexaada iyo kuwa kasii hooseeyaba, balsiday u arkaan dadka qurba jooga ah ee kasoo jeeda deegaanadan ,

Waxay ii sheegeen inay yihiin dad aad uwanaagsan xaga xidhiidhka ninwalba qaraabadiisa aad buu ula socdaa intiisuna way kufaraxsan yihiin ,laakiin iyaguna waxay kufarsanyihiin ina  hebal guri quruxbadan buu soo dhistay ,gurigoodii hore bu kor uqaaday,wuu ukiraysanyahay  ,reerkoodaa biilka kaqaata isna wuu usoo diraa biil joogta ah ,bil fasaxana wuu yimaadaa,kooda yar ee iskoolka wadi kari waayana wuxuu usoo iibiyaa xabad bajaaj ah oow ku shaqaysto .

Balse waxay  ii sheegeen in qofkastaaba uu iska ilaaway wixii la odhanjiray danta guud ,in ay dalkooda wax caama usoo qabtaan ,sida mashaariic ganacsi, warshado war soosaar,dhisid dekeda lughaya  iyo saylac iyo inay soo xoojiyaan dhisida dariiqyada ay dadwaynuhu maraan ee kuyaalaxaafadaha dhexdooda,ood moodo in bari hore laga guuray ,magaalada oo tabaysa qaybtii qurba jooga ,sida magaalooyinka kale ay qurbajoogoodu u camireen dhinac walba tani ay tahay agoon.

Waxay ii sheegeen inay rajaynayaan inaan wali wakhti katagin eey wax qabankaraan iskana daayaan wax ilahay nacay oo baabi,isay soomaali oon wada naqaano  waa { qabyaalad } iskaga fogaada guul laguma gaadhee …

lasoco qaybaha dambe

abdiwahab sheekh


This post has been viewed 638 times.