Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Rabshad caawa Fiidkii ka dhacday xaafadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa ayaa istaagtay kadib markii ay Ciidamadda Booliisku Dadkaasi Rasaas ku kala dareeriyeen, iyadoo ay Rabshadaha xaafadaas ka dhacay oo ay sameeyeen Taageeryaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor sameeyeen isla markaana uu socdeen in muddo ah.
ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ay Rabshadahaasi sameeyeen lama oga, hase yeeshee warar is khilaafsan ayaa sheegaya inay Dhimasho iyo Dhaawacyaba jiraan, kuwaasoo lagu kala sheegayo Cisbitaalada Adna, Gar-gaar iyo ka Guud ee Hargeysa, balse wax xaqiinaya inta uu khasaarahaasi leeg yahay ma jirto, wakhtiga oo Habeen ahaa awgeed, isla markaana jidadka oo xidhan isu socodku kooban yahay.
dhinaca kalena, intii ay rabashadu ka socotay xaafadaasi, waxa xaafadaha kale ee Hargeysa qaarkood ka socday dabaal degyo ay Xildhibaanada ku soo baxay Liiska Golaha Deegaanka ee Hargeysa iyo taageerayaashoodu ay ku marayaan qaar ka mid ah jidadka,.
isku soo duuboo xaaladda Hargeysa ayaa imika degan, walow Ciidamadda Booliisku Heegan culus ugu jiraan sugida Amaanka magaaladda, isla markaana la xidhay Meheradihii Suuqa gabi ahaantoodba.