Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda Somalia ayaa isu bedeshay NGO

Dowladda Somalia ayaa isu bedeshay NGO Tan iyo markii Madaxweynenimada Somalia uu ku guuleeystay Hassan Mohamud Alasow .
Madaxweyne Garguurte ayaa Jamhuuriyadda Jibouti ku saxiixaya heshiis cusub oo dhigaya in ( Fiber Optics Cables) Keeybalka Isgaarsiinta Somalia laga qaato Jibouti ,lana marsiiyo badda Jibouti.

Heshiiska cusub ee lagu wiiqayo Qaranimada iyo madaxbanaanida Somalia waxaa ku jira in guud ahaan laga guuro furaha lagu galo telefoonada Somalia ee 25261/25290/2522,waxaana furaha (Erea Code Somalia )loo bedeli doonaa 253 oo ah Furaha Isgaarsiinta Jibouti.

Ila wareedyo muhiima ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Hassan Alasow ogolaaday isticmaalka furaha Jibouti kadib markii la siiyay lacag dhan shan Milyan oo Dollar ,sidoo kalena lagu deray Saamileeyda Keybalka cusub ee Isgaarsiinta Somalia.
Qorshaha cusub ee Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia qaar iyo Madaxweynaha Jibouti Ismail Omar Gelle iska kaashanayaan ayaa xambaarsan laba ujeedo oo kala ah:-

1-Madaxweyne Geelle oo doonaya in Isgaarsiinta Somalia laga maamulo Jibouti taas oo ka dhigan in xilligii la doono laga damin karo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Somalia .

2- Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia oo ka cabsi qabo in Dowladda Somalia Mustaqbalka dhaw ku dalacato Canshuur la xiriirta Isticmaalka Erea Code Qaran ama furaha 252 maadama ay toban iyo dhowr sano isticmaalayeen furaha Somalia iyagoon wax canshuura bixin.

Heshiiskaan cusub ee Madaxweynaha Somalia ku ogolaaday in furaha telefoonada Somalia la burburiyo lana isticmaalo kan Jibouti waxay ka marqaati kaceeysaa in Dowladda Federalka Somalia noqotay NGO halkii looga fadhiyay inay dib u dhiska Qaranimada Somalia u istaagto.

Muxuu heshiiska cusub u dhimi karaa Qaranimadda Somalia?

Isticmaalayaasha Internet-ka iyo telefoonada Somalia dhamaantood waxay ku hoowgelayaan Calanka Jamhuuriyadda Jibouti oo tusaale ahaan dadka hada Isticmaala Internet-ka Somtel Somaliland marka ay soo booqdaan Website-yada ama lagu raadiyo Whois search engines waxaa soo baxaya Calanka Jibouti halkii sharciyadu ahayd in Calanka Somalia soo baxo ama xitaa kan Maamulka Somaliland .
Isticmaalayaasha Internet-ka iyo telefoonada Somalia waxaa guud ahaan laga maamulayaa Jibouti taas oo ka dhigan in guud ahaan xiriirka Shacab iyo madax lagala socdo Jibouti.

Halista ugu weyn waxay tahay in Jibouti jari karto Isgaarsiinta Somalia hadii uu dhaco dagaal u dhaxeeya Somalia iyo Jibouti ama Dowlada la saaxiiba amar ku siiyaan.


This post has been viewed 305 times.