Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kaftanka Siyaasada Iyo Kulanka Siiraayo. By: Abdirisaq Mohamed Barkhad

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siiraanyo ayaa booqaasho gaaban ku tagey gobolka Awdal, dadweynaha ku dhaqan degmada Borama ayaa maddaxweynaha iyo wagtigiisa si aaney filaneyn u soo dhaweeyey kadib markii ay uga ciil dhiciyeen reer Gabiley oo la sheegay in ay waftiga Axmed Siiraanyo ku salaameen kabo iyo daasado madhan oo caano boodhe ka dhamaadey.

Dadweynaha reer Borama ee maddaxweynaha soo dhaweynayey waxaa ka mid ahaa Salaadiinta reer Awdal oo mudooyinkii u dambeeyey sidda bunka aad ugu xaraareysnaa la kulanka Maddaxweyne Siiraanyo iyaga oo sannad kaste la sheegay in ay hal mar ka barakeystaan gacantiisa midig.

Maddaxweynaha Somaliland Mudane Siiraanyo ayaa muddo 24 Saacadood ku sugnaa gudaha gobolka Awdal, saacado kooban oo ka tirsan mudaddaas uu maddaxweynuhu joogey magaalada Borama ayaa la sheegey in uu ku bartey Culuumta dhaqaalaha kagana qalin jabiyey Jaamacada Camuud isla markaana halkaas lagu guddoonsiiyey Shahaadada u sareysa ee PhD iyadda oo maanta wixii ka dameeyanna magiciisu noqon doono waa sidda ay hadalka u dhigeen maamulka Jaamacada Camuude Dr. Ahmed Mohamed Mohamoud.

Saxaafada kala duwan ee ka agdhaweyd goobta maddaxweynaha lagu guddoonsiinayey Shahaadada ayaa su’aalo la boobtey Dr. Ahmed Siiraanyo ugu horreyna waxa ay wax ka weydiiyeen imtixaankii uu u fadhiistey hoolka weyn ee Jamaacada Camuud waxana uu yidhi “Wuxuu ahaa imtixaan fudud oo ay ku jireen su’aalo dhib yar oo Hargeysa markii aan ka soo abmabaxayey aannan fileyn in aan la kulmi doono wixii la i weydiiyey oo kale, deg deg baan u dhammeeyey jawaabaha, dhammaadkiina waxaa la i guddoonsiiyey darajadii dhaqaalaha ee PhD”.

Mar Maddaxweynaha la weydiiyey imtixaanka laga qaadey cida soo saxdey wuxuu ku jawaabey oo uu yidhi “Cid soo saxdey war umma hayo laakiin aniga oo fadhiya gudaha hoolka weyn ee Jaamacada Camuud ayaan ku baraarugey yeedhmada magaceyga oo la leeyahay Maddaxweyne soo kac si laguu guddoonsiiyo Shahaadadda”.

Wariye ka socda Idaacada Codka dheer ayaa Madaxweynaha weydiiyey qadarka uu leeg yahay kharashka kaga baxey Waxbarashada maalin galinkeed uu ku qaatey PhD Degree waxana uu ku jawaabey “Runtii waxbarashadu waa dadaal iyo halgan hubeysan oo u baahan in kaymaha iyo buuraha loo galo taasi oo mararka qaar loo baahan yahay in timuhu kugu baxaan oo juhdi dartiis coof iyo injirba aad yeellato, sida uu sheegey guddoomiye kuxigeenka Jaamacada Camuud Prof. Baradhe dadaalkaas dheer ee aan aqoonta u soo galey ayaan ku mutaystey Shahaadada la i siiyey ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano PhD, marka aan u soo noqdo dhinaca kharashka igaga baxey waxbarashadan wuxuu u dhigmaa inta lagu dhisi karo amma lagu dhagax dhigo 3KM oo laami ah.

Waxa kale oo maddaxweynaha wax laga weydiiyey dareenkiisa ku aadan dadkii soo dhaweeyey iyo waliba socdaalka uu ku yimmid gobolka Awdal waxana uu yidhi ” Horta Awdal waa Hooyadii nabada iyo Aabbihii dib u heshiinta, waa Awoowgii tabashada iyo Ayeeydii saami qeybsiga maqan, waa Abtigii guulwadeynta iyo Adeerkii ixtiraamka, waa Habaryartii soo dhaweynta iyo Eddadii sii dhaweynta, waa Sodohdii samirka iyo Sodogii calaacalka, waa Gabadhii Sayliga iyo Wiilkii Hariimaadeedda, waana Ehelkii aqoonta iyo sharaftii cadaalada waxaa kale oo aan kuu sheegayaa Adeer hibooyinka noocan oo kale ah bulsho nasiib badan baa hesha, bani’aadmiga adduunka korkiisa jooga iyo shucuubta Caalamka ku kor nooli inta haysata hibooyinkan oo kale wey yar yihiin, dadka reer Awdalna in ay hibooyinkan oo kale helaan waan ugu hambalyeynayaa waayo ummadda kale ee reer Somaliland waa nasiib ay dheer yihiin, mida kale soo dhaweyntii ay nagu qaabileen dadweynaha reer Borama waxey aheyd mid wannaagsan wallow qaar ka mid ah waftigii illa socdey ay dhibsadeen Uunsi lagaga shidey indhaha iyo dhagaha dhexdooda.

Madaxweyne qiiqa uunsiga miyaan guryahaba lagu shidan maxay u dhibsadeen qaar ka mida waftiga kula socday? adeer qiiqa uunsigu marka uu soo dhaafo guryaha ee uu yimaado bannaanka iyo barxada soo dhaweynta baab iyo sixir buu noqon kara.

Madaxweyne Awdal waa deegaan aad xitaa yaraantaadii wax ku soo baratey sidaas darteed maxaad nooga sheegi kartaa dhaqanka gaarka u ah dadka reer Awdal amma reer Borama “Horta ummadd kastiba dhaqan iyo xadaarad u gaara ayey leedahay inkasta oo aan immika waxba ka xasuusan dhaqankii hore ee reer Awdal maadaama wakhti dheer uu ka soo wareegey berigaan Borama joogey haddana muddo saddex jeer oo aan tagey magaalada Borama Intaan Madaxweynaha Somaliland ahaa waxaan ku soo arkey dhaqan fiican oo qariib ku ah deegaanada kale ee Somaliland kaasi oo ah marka aad khudbad jeedineyso amma aad fagaare ka hadleyso in ay kaa daba yidhaahdaan erayo macaan oo maqalka dhaguhu ku raaxeysanayo kuwaasi oo ay ka mid yihiin Waa runtii Waa runtii Waa runtii”.

Maddaxweynaha waxa kale oo Saxaafadu wax ka weydiisey khudbadii uu ka jeediyey Jaamacada Camuud oo uu ku sheegey in uu reer Borama u keeney Ambulance isaga oo ujeedey baabuurka dab damiska arrintaas jawaabteeda waxa uu ka yidhi “Adeer marka hore waad iga qoslisey, marka xigana waxaan kuu sheegayaa in mar walba oo aad faraxsan tahay wixii aad rabtey in aad sheegto maahine wax kale Afku kaa xado, xitaa farxad awgeed waxaan sagaal sanno ku darey taariikhda cusub ee Islaamka oo waanigii idhi sannadkan cusub ee 1443ka, Adeer maah maah Somalilander ah baa tidhi nin is faanshey waa Ri’ is nuugtey mid kaloo Soomaalidaa Koonfureed baa ka daba tidhi haddii lagu mooso kartaa la isku muujaa sidaas darteed Anigu waxaan ahey Madaxweyne caadila oo dadkiisa jecel oo aan qabyaalad iyo qaraabo kiil aqoon kaas oo qof kastiba wixii uu tabanayo ka dhageysta runtana ku dhinta.

Laakiin Madaxweyne tabashada waad dhageysataa ee ma fulisid wixii lagaa tabanayay sow maaha “Adeer fulinta ma wax fudud baad u haysataa, waa in Dastuurka Somaliland la fiiriyo, waa in Saylici laga qariyo oo Xirsi loo bandhigo, waa in Buugeyga Cagaaran lagu qoro, waa in Baarlamaanka la mariyo oo Guurtida loo geeyo, waa in Maxkamada sare loo diro oo Sirdoonka dalku soo baadho, waa in ugu dambeynta miiska Wasiirada la soo dul dhigo, shaqadaasi oo dhan ayey fulinta tabashooyinku u baahan yihiin taasna awood dhaqaale oo aan ku qabano QARANku ma hayo.

Markaa Mudane Maddaxweyne qorshaha aad ku hawlgashaa ma tabashooyinka dhageysoo iska dhaaf baa “Adeer Xukuumadda aan hoggaamiyaa sidaa aad moodey kuma shaqeyso waxaan ku shaqeynaa oo aan hawlaha Qaranka ku qabanaa nidaam cad oo qeexaya baahida dalka jirta sidda ay u kala mudan tahay iyo balan qaadyadii aan samayney oo mar walba ku saleysan 70%”.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
Email: rasiiqi07@hotmail.com


This post has been viewed 534 times.