Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bowden: 19 shaqaale gargaar ayaa lagu dilay Soomaaliya

Isku duwaha howlaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mark Bowden ayaa sheegay in ka tirsan shaqaalaha gargaarka lagu dilay gudaha Soomaaliya muddo sanad ah gudahiis.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadannimada ayuu Mark Bowden ku sheegay in muddadaas sanadka ah sidoo kale afduub loo geystay 8 shaqaale ah, kuwaas oo 4 ka tirsan ay wali gacanta ugu jiraan kooxihii afduubay.

Bowden waxa uu sheegay in aan la aqbali karin weerarrada lagu hayo shaqaalaha gargaarka, isagoo tilmaamay in shaqaalaha gargaarka ay ka go’an tahay sii wadidda dedaallada lagu caawinayo Soomaalida dhibaateysan.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya ay soo wanaagsanaatay, balse wuxuu xusay inay wali jiraan 3.8 milyan oo Soomali ah oo wali gargaar u baahan, kuwaasoo hadii aaney taageero joogta ah helin ay halis ku jirto xaaladdooda.

Isku duwaha howlaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa xusay inay jiraan qaxooti Soomaali ah oo ka badan hal milyan oo qof, kuwaas oo jooga dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo tiro ka badan hal milyan oo ku barakacay gudaha Soomaaliya oo aan haysan nolol wanaagsan.

Warbixinta xafiiska bini’aadannimada Qaramada Midoobay ayaa lagu soo beegay laba maalin ka hor xuska maalinta bini’aadannimada adduunka oo ku beegan. 19-ka bisha August ayay Qaramada Midoobay sanadkii 2008 u aqoonsadeen in la xuso maalintan.


This post has been viewed 64 times.