Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka naga soo gvaaraya Gobbolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in goor dhawsayd Diyaarado aan la aqoon ay gantaalo ku garaaceen saldhig la sheegay in ay leeyihiin shabab.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Diyaaradahan ay ahaayeen kuwa qumaatiga u kaca, waxaana la sheegay in ay Duqeeyeen deegaanka Janaa-Cabdalle oo 60KM u jirta magaalada Kismaayo.
Waxaa jira warar ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay Halkaas, waxaana la sheegay in gantaalaha lagu garaacay gaadiid dagaal iyo saldhhig ay xiligaas ku sugnaayeen saaraakiil ka tirsan shabaab.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaayo khasaaraha ka dhashay duqeynta saaka ka dhacday deegaanka Janaa-Cabdalle ama Birta dheer.