Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ganacsatada Soomaalida Koonfur Afrika oo ah kuwo had iyo jeer welwel ka qaba dhaca iyo dilka dadka Koonfur AFrikaanka ah ayaa waxaa haatan mar kale la soo deristey duufaano weerar ah oo lagu soo qaadey Ganacsigooda.
Tuulada Valhalaburg ee ku taala duleedka Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika waxaa saacadihii tegey lagu diley labba Soomaali ah kuwaasi oo dejiyey Ganacsi cusub oo ay dhigi lahaayeen Goobahooda, balse la khaarajiyey wax yar kadib dejinta Ganacsigooda.
Tuugo koonfur Afrikaan ah ayaa geystey dilka Bashiir Sheekh Suufi iyo Cabdi Tifow oo labbada nin ee lagu diley duleedka Magaalada Cape Town ee wadanka Koonfur Afrika, iyadoo la soo sheegayo in la dhacey goobihii ganacsi ee ay lahaayeen.
Booliska dalka Koonfurta Afrika ayaa si rasmi ah waxaa ay goobta uga bilaabeen baaritaano dheeri ah oo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey dilka Ganacsatada Soomaalida ah ee lagu diley koonfur Afrika, waxaa xusid mudan in ay jiraan dad badan dilal uga cararey dalkooda.
Hugaanka Soomaalida Western Cape ee dalka Koonfur Afrika Cabdi Jidow ayaa sheegay inuu booliska tuulada Valhalaburg kala hadlay dilka loo geystan labadan ganacsatada Soomaalida ahi, waxaana uu sheegay inay ka jaaliyad ahaan ay arintan xooga ku saari doonaan dowladda sidi ay wax uga qaban lahaayeen.