Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa Maanta Muqdisho ka dhacay Dibad baxyo Balaaran oo lagu taageerayay imaantinka Raizul Wasaarihii Xukuumada Tayo Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo kaa ay ka dhasheen Qasaraooyin dhimasho iyo dhaawac ah.
Dadweyne badan oo Taageersanaa Farmoojo kuna sugnaa Barxada Sayidka ayaa waxaa soo weeraray Rag kulabisnaa Dareeska Ciidanka iyo dad kale oo taageero u ahaa Madaxweyne Sheekh Shariif watayna gawaari ay ku dhagnaayeen Sawirada madaxweynaha.
Gawaaridaasi ayaana Rasaas ooda uga qaaday Dadkii dibad baxayay waxaana halkaasi ku dhintay Labo Qof oo la sheegay in uu kujiray Askari sugayay amaanka Goobta dibad buxu kasocday iyo sidoo kale qof kale oo rayid ah ,laba kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.
Dibad bixii ayaana markii dambe isku badalay rasasa iyo kala carar iyadoona ay jiraan dad kale oo qasaarooyin kasoo gaareen Dibad baxaasi lasoo weeraray inkastoo aaa si rasmi ah loo heyn qasaaraha kale.




