Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal ka dhacay duleedka Baardheere

Ugu yaraan shan qof ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen, toboneeyo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal maanta duleedka magaalada Baardheere ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab.

Dagaalka wuxuu ka qarxay meel magaalada Baardheere u jirta 80 km, una dhaxeysa magaalooyinka Faafaxdhuun iyo Baardheere.

Col. Cabbaas Ibraahim Gureey oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda ayaa Bar-kulan u sheegay in ay ayagu dagaalka qaadeen.

Cabbaas wuxuu sheegay in ay qabsadeen dhul qiyaastii dhan 40 km, ayna masaafo aan badneyn u jiraan magaalada Baardheere.

Waxaa la rumeysan yahay in dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalka ay u badan yihiin dhinacyadii dagaallamayay.


This post has been viewed 76 times.