Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

AMISOM oo Al-shabaab ugu baaqey in ay hubka iska dhigaan oo ay ka qeyb qaatan Nada Somalia

Meleteriga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa weli waxaa ay howgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadaan gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan Gobollada Koonfureed, waxaana ay ku dhawaaqeen Qorshe cusub.

Ku xigeenka Abaanduulaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM isla markaasna ka soo jeeda Ugandha Col Pawel Locej oo warbaahinta la hadley ayaa ka dhawajiyey qorshaha cusub ee AMISOM doonayso.

Waxaa uu sheegey in ay haatan AMISOM diyaar u tahay in ay kooxda Al-shabaab cafis u fidiso isagoo ka dalbadey kooxdaasi in hubka dhigaan oo ay ka qeyb qaataan xalinta iyo dejinta xaalada ka taagan wadanka Soomaaliya.

“Annaga qorshaheena waa dhalinta nabada Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa Al-shabaab in ay hubka iska dhigaan oo ay dalka dib u dejintiisa ka qeyb qaataan, marka ay na arkaan mana dili doono ee waan xanaaneyn doonaa” ayuu yiri Coll, Pawel

Coll, Locej waxaa uu sheegey in ay AMISOM doonayso in ay nabad ka dhaliso Soomaaliya iyagoo diyaar u ah qorshe kasta oo ay dalka ku nabadeyn karaan kadib markii uu baaqaasi jeediyey waxaa uu sheegey Coll, Locej in ay sii wadi doonaan howgalkooda dalka ka socda.


This post has been viewed 70 times.