Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wasiirka arimaha Gudaha iyo Amniga DKMG Somalia Cabdi Samad Macalim Maxamuud ayaa shaac ka qaaday in ay Dowlada soomaaliya Ciqaabi doonto Askarigii katirsan Dowlada soomaaliya oo Boob iyo xad gudub u geesta Shacbka soomaaliyeed oo xiligaani helay amaan ku filan
Cabdi Samad ayaa sidoo kale sheegay in Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay dardar galineyso wax ka qabadka Burcada iyo tuugada ku labisan dareeska Ciidamada Dowlada ee dhibaatada ka geysanaayan gudaha iyo gobolada ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada soomaaliya waxa uuna tilmaamay in ay jiraan qaladaad yar oo ay sameynaayan Ciidamada Dowlada balse hadii lagu qabto qaladaadkaasi aan lagu cafin doonin sida uu warka u dhigay wasiirka
Si kastaba ha ahaate Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka oo kaqayb galay Habeennimadii Xalay Munaasabad looga hadlayay isdhexgalka Bulshada oo lagu qabtay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa goobta munaasabada ka sheegay in Dowlada soomaaliya ay la safantahay Shacbiga soomaaliyeed islamarkaana dowlada ay u taagantahay in ay wax kabadasho dhibaatooyinka dalka kataagan
Wasiirka ayaa ugu baaqay godoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir in ay xiraan Askarigii lagu arko dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana soo galiyaan gacanta Maxkamada ciidamada qalabka sida si looga abaal mariyo qaladaadka uu u geestay Shacabka