Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Mombasa: Qaraxaani ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Hotel lagu caweeyo oo ku yaalla Magaalo Xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya halkaasi oo ay ku sugnaayeen dad aad u farabadan oo uu qasaaro kasoo gaaray qaraxaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen labo nin oo la tilmaamay inay wateen Mambaanooyinka nuuca gacanta laga tuuro kuwaasi oo doonanayay inay gudaha u galaan Hotelka, hase ahaatee Ciidamii illaada ka hayay goobtaasi ay is horitaag ku sameeyeen raggaasi, taasina ay keentay in kooxihii hubaysnaa ay bambaanooyin ku tuuraan Hotelka.
Inta la’ogyahay weerarka ayaa waxa ku dhintay hal ruux tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen, iyadoo la sheegay in kooxihii ka dambeeyay falkaasi ay ka baxsadeen goobtaasi.
Daqiiqado kaddib ayaa waxaa halkaasi gaaray Ciidamada ka tirsan kuwa booliska dowladda Kenya oo bilaabay baaritaanno xooggan oo aan la’ogeyn cidda ay kusoo qab qabteen, waxaana saakay lagu soo waramayaa in xaaladdu ay tahay mid degan.
Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa u sheegay Warbaahinta inay sii wadi doonan baaritaanada ku addan inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay weerarkasi.
Tan iyo markkii Ciidamada Kenya ay usoo tallaabeen gudaha waddanka Soomaaliya ayaa waxaa Magaalooyinka waa weyn ee dlaka Kenya ka dhacayay qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo ay qaadayeen kooxo hubaysan oo ay Saraakiisha dowladda Kenya ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin Ururka Al Shabaab.