Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ciidamo katirsan kuwa Dowladda KMG ee tababar kusoo qaaday Dalka Ethiopia ayaa maanta la geeyay Gobolka Gedo, Ciidamadaasi ayaa la dajiyay Deegaano hoostago Gedo oo inta badan laga soo weeraro ciidamada Dowlada KMG ee horay ugu sugnaa Gobolkaasi
Ciidamada halkaasi la geeyay ayaa lagu sheegay Tiradooda 1000 Askari, waxa ayna wararka sheegayan in ciidamadaasi ay qeyb ka noqon doonaan kuwa iminka halkaasi ku sugan, Ciidamada ayaa ahaa kuwa watay Gawaari iyo Hub aan horay loo arag oo ay ugu deeqday Dowlada Ethiopia ayaa maanta loo kala qeybiyay deegano ay ku dhuumaleystaan Shabaabka Gedo
Dowladda KMG soomaaliya ilaa iyo iminka kama hadlin sababihii ka danbeysay in ciidankaasi la geeyo Gobolka Gedo xili ay horay ugu sugnaayen ciidamo kale