Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
NAIROBI:- Soomaalida dagan Dalka Kenya gaar ahaan Xaafad kamida Nairobi oo la yiraahdo Eastleigh ayaa banaanbax aanan horay loo arag dhigay, waxayna Albaabada iskugu dhufteen dhammaan ganacsigii xaafaddaas ka jiray. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya Tuugada Barqadii iyo Harka cad dhacaysa, shacabka qaar kamida ayaa Warbaahinta Kenya u sheegay in Dukaamadooda ladhacay oo la boobay Harka cad.
Waxay Soomaalidu direen fariimo aad u kulul, waxayna u direen Tuugada dhacaysa Hantidooda iyo dowladda Kenya oo wax ka qaban weyday Ammaanka dalkeeda, Yuusuf Xasan oo laga soo doorto Xaafadda Kamukunji ayaa kamid ahaa Dadka fariimaha diray, wuxuuna dowladda Kenya ka codsaday in ay xeryo Booliis ka dhexsamaystaan Xaafadda Eastleigh.