Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gadabuursi iyo Dawlad Soomaliyed Raadinteed(Maqal xasuus ah 2010)

Gadabuursi iyo Dawlad Soomaliyed Raadinteed(Maqal xasuus ah 2010)  


Maqaalkan waxan qoray bishii Oct 2010 waxanan bulshadayda Awdal State ku dhiirinyey inay raadiyan Dawlad Somaliyed o laga baxo riyada khayaliga ee 20 jirtsatay .Wakhtigaas weli ma ay dhalan Awdal State hase yeeshe waxay hordhac u ahayd fikirkii dhalyey Awdal state iyo in midnimo qaran la raadiyo.
Runtii 2 sano ka dib riyadaasi waxay u egtahay mid soo dhaboobaysa sidaas ayaan maqaalkan idiin ku soo qaatay xasuusin.Maanta o ay bisha May Tahay 5/5/2012 waxa magaalado madaxdii somaliyeed ka bilowday shir Taariikhi ah oo la isku keenay madax dhaqameedkii Somaliyeed marki ugu horaysay 20 sano.Waxay madax dhaqamedkan soo xuli doonaan xubnihii barlamaanka cusub ee Somaliya oo saldhig u noqondoona Dawladda midnimo qaran ee dhalan doontaa August 2012.Waxa kaloo madax dhaqameedkani ay soo magaacaabi doonaan 1000 qof ama xubnood  oo dood ka yeelan doona Distoorka cusub ansixiintiisa.Waxan u rajaynayaa in shirkaasi guulaysto oo ay dhalato Dawlad Somaliyeed oo ku dhisan midnimo qaran.Waxa jira xoogag isku bahaysanaya in Somalia markale ay guul daraysato si loogu jiro  xaladihii ina soo maray 20 kii sano  sida:Warlodism,Alshaabaab iyo  Gooni Goosasho gabalkeedii dhacay.Waa kan hoos ku qoran maqaalkii ee ka bogo.
Viva Somaliya viva Awdal state of Somalia
Gadabuursi waa inuu Dawlad Somaliyeed Raadiyo,oo aan ahayn Dawlad Goboleed (like Somalilnd).(Oct 2010)
Waxan shalay qornay qaybtii hore ee maqaalkan,Waxana aad ku soo qadanay ka dib Burburkii magalo madaxdii Saylac iyo Harar.Waxa Gadabuursi uu ukala guuray Jabouti oo bedeshay Saylac.Qaybtii  kalena  waxa ay asaasaaeen Cassimadda Gadabuursiga maanta Borama oo ku soo Horaysay J-Horato qarnigi hore awalkiisi.
Qaybtii Jabouti waan soo sheegnay halkii uu ku istaagay Hamigoodii  iyo hogaaankii siyasadeed ee ka soo bilaabmay Xaaji Diide ilaa Sanator Jaamac Saylici 1949.Waan ka hadalnay dagaalkii sokeeye iyo sababihii ay u lumiyeen kaalintaas iyo hogaankas higsanayey inuu ka sameeyo dal somaliyed Xeebta Somaliyeed ee Jabouti.Waan ka hadalnay dagaalka cidda ka dambaysay oo ahaa gumaysi iyo afkii LIBAAX ee uu dalkii galay ila la helay Xoriyadii 1977.
Haddaba sabab kastaba ha ku  timadee Gadabuursi kaalintaa wuu lumiyey dibna uma soo noqon xataa xoriyadii ka dib.Waxay ku dambaysay hal wasiir oo la isku bedelo,inkastoo uu yahay dal Somaliyeed oo dad badan oo Gadabuursi ahi si fiican ug noolyihiin,hadana way jireen dhibaatooyin ka soo maray Gadabuursiga wakhtigii  Madaxweyne Xasan Guleed.
Qaybtii labaad ee samaysay Caasimadda Borama oo ah Somaliland ayaan imika ka hadli donaa.

Gadabuursi iyo Somaliland.
Qaybtii labaad ee Gadabuursi e  ka soo haajirtay burburkii Saylac waxa ay degaan ka dhigtaan ugu horaystii Jara-horato.Waxa qaybtaasi hogaaminayey Ugaas Cilmi,Xaaji Obsiiye ,Sheekh Muse Cadde oo isna ka soo haajiray Harar oo Jamacadii u horaysay ka furay ka Furay J-horato ,isla markaana baray dadkii xoolo dhaqatada ahaa  qodashada beeraha isago sameeyey xarun cilmiga diinta iyo Quranka lagu Barto oo la yaqanay JAMAACO.
Muddo ka dib waxa loo guuray Borama halkaas oo noqotay Xaruntii( first Gadadbuursi disrtict in the Protectorate1920.)
Borama waxay noqotay xarun ka mid ah todobadii  District ee ingiriisku ka sameeyey gobolka Somliland.Lixda kalena waxay kala ahayen Hargaysa,Burco ,Berbera,Ceerigabo ,Laascaanood  iyo Saylac.
Kadib xoriyadii ilaa iyo Burburkii dawladii Somliyeed 1991 waxa gobolada woqoyiga  ka samaysmay shan gobol oo ku salaysan todobadii district ee ingiriisku sameeyey kuwii ugu muhiimsanaa.
Awdal,Hargaysa,Burco ,Cerigabo iyo Laascanood.
Kaalinta Siyaasdaa Gadabuursiga Somaliland.
Gadabuursi markii Gumaysigu yimid dalkeenna waxay Saylac ka saxeexeen Saan mucahado loo yaqaanay Anglo-Gada Treat of 1884.Halgankii gobanimo doonka way ka qayb qaaten oo waxay fureen axsaab siyaasi oo ugu Dameeyey USP xoriyadda ka hor oo keenay israacii iyo gobanimadii 1960 kii intaba.
Waxay ka mid ahaayeen Wafdigi afarta nin ahaa ee ingiriiska la saxeexday gobanimda 1960 kii.Waxa wafdigaa oo Cigaal hogaaminayey dhinaceenna ku jiray X.Ibraahim nour Jamac.Intii xukuumadda Somaliyeed jirtay Gadabuursi waxa ay marwalba ku lahayeen wasiir muhim ah.Ragga jagooyinkaas soo marayna waxa ka mid aha Cabdi xasan Buuni Deputy Prime minister,Aden Isaaq,Muse Rabiile,iyo Bashir Farah Kaahiye.
Burburkii Dawladii Somaliyeed 1991.
Markii ay burburtay dawladii Somaliyeed11991 ,waxa bedeley mamulkii dawladdii Somaliyeed dawlad  Goboleedyo ay ka mid tahay Somaliland, Puntland.Gadabuursi waxa u qaatay qayb libaax si nabad iyo xisiloonaan looga dhex dhalin lahaa dadkii ku nolaa gobolada woqooyiga.
Maamulkii dawlad goboledkii Somaliland Gadabuursi waxa uu ka soo qaabtay xilal muhiim oo isku jira madaxweyne iyo madaxweyne  ku xigeeno Somaliland.
Laakiin Gadabuursi kuma qanacsana dawlad goboleed ee waxa uu raadinyaa meelkastaba ha ka dhaltee Dawlad Somaliyeed oo la aqoonsanayahay cidii dawlad goboleed  ku qanacsan  ee ay cabsi hayso  ka hayso midnimada umadda Somaliyeed ee Geed isku soo xidhaysa  iyaday u taala..Hadii aan ka dhalin kari weynay dawlad Somaliyeed gobolada woqooyi (Somaliland) 20 sano wa inaan ka qayb qadanaa dawladda Fedaralka ah ee la damacsanyahay inay Dhalato 2012.Tasoo ku salaysan sida distoorku cusubi qorayo 18kii  Gobol ee Jamhuuriyadii Somaliya oo intii is ogoli ay habka Fedrealka uga soo qayb geli karaan Dawlad Goboleedyo.Awdal waxa ay ka mid ahayd 18kii  gobol ee Somaliya ,Distoorka Cusubi  waxa uu siinayaa inay Awdal kaligeed ka mid noqon karto Xukumadda Federalka Somaliyed iyo inay ku timaaddo  dawlad Goboleed sida Somaliland ama Puntland.
Ka akhri distoorka Cusub ee  dawladda Federalka Somaliya Marka Caadey Website.

Gebo gebo: Gadabuursi si fiican ha u tashado gudo iyo dibad ba hana iska ilaaliyo  inuu markale Sameeyo Gaf siyasadeed ee  hore uga soo maray( Political Plunder).You have  a chance Again.DONT MISS  IT.
Mohamed Dirane


This post has been viewed 107 times.