Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Weftigan oo isugujira isimo, cuqaal iyo aqoonyahano ayaa saaka kadegey airport-ka Aadan Cabdulle Cismaan ee caasumada Somaliya Muqdishu. Weftidan oo ka helay martiqaad madaxda sarsare ee Dawlada Kumeelgaarka ah ee Somalia. Weftidan ayaa kamid noqon doona wufuud beryahan kusugnaa caasimada Somalia, socdaalkooda ayaa kuwajahan sidii loo soo xulilahaa ergada ansixinaysa Dastuurka iyo waliba habka loo soo xulayo barlamaanka cusub oo buuq badan dhaliyay.
Waxaa buuq badan ka dhashay qaabkii loo xulay ismada Daarood, gaar ahaana kuwa kasoo jeeda Gobolada Saanag iyo Haylaan, iyadoo labada Gobol lasiiyey 2 xubnood oo keliya, taasoo ay ka danbeeyeen isimo ka soo jeeday goboladaas oo aan dan iyo heella toona ka lahayn awood qaybsiga ay goboladaasi xaqu leeyihiin inay u soo dhiciyaan iyagoo isla markaana iska dhegatiray rabitaanka shacbiga u igmaday xilka ay xambaarsan yihiin, taas oo ay ka dhalatay in Gobolada Sanaag iyo Haylaan lagala saamidhigo dadka laga tira badan yahay ee kunool Puntland ee la siiyey 2 xubnood.
Weftidan saaka kadegtey airport-ka magaalada Muqdishu waxaa hogaaminayey
1.Ugaas Ibraahim Cali Shibiin,
2.Nabadoon Xasan Faarax Maxamuud iyo
3.Nabadoon Jaamac Maxamud Maxamed.
Weftigan ayaa si heersare ah loogu soo dhoweeyey airort-ka magalada Muqdisho, waxaana soo doweeyey siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soojeeda Gobolada Saanag iyo Haylaan oo TFG-da ka tirsan.
Xigasho Hadaaftimo.com