Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

QM, M. Afrika iyo IGAD oo digniin u jeediyay dadka ka soo horjeeda Roadmap-ka


 


War ay si wada jir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo urur goboleedka IGAD ayaa loogu digay dadka carqalada ku ah geedi socodka Nabadda Soomaaliya ee Roadmap-ka kaas oo uu horboodayo wakiilka gaarka ah ee Qaramda Midoobay Soomaaliya u qaabisan ee Mahiga.

War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in si weyn looga walaacsan yahay qorshayaasha lagu doonayo in la daciifiyo hirgalinta Roadmap-ka oo ay saxiixeen hogaamiyaasha Soomaalida.

“Roadmap-ku waxa uu ku socdaa in uu qatar u galo talaabooyin ay qaadayaan Shaqsiyaad iyo kooxo gudaha iyo dibada Soomaaliya jooga kuwaas oo ka shaqeeynaya dhaciifinta hormarada bilihii dhawaa la gaarayay” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo urur goboleedka IGAD.

War murtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay heysato fursadii ugu wanaagsaneeyn ee mudo 20-sano ah kadib ay hesho taas oo loo baahanyahay in loo dhaafo mira dhalkeeda.

Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo urur goboleedka IGAD ayaa warkooda ku sheegay intani ay tahay digniin iyo fursadii u danbeeysay oo ay heeystaan dadka ka soo horjeeda Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Majirto cid ama koox magacyadooda la xusay kuwaas oo loogu eedeeynayo arinkaan hase ahaatee sadaxada urur waxa ay carabka ku adkeeyeen in hadii ay sii socdaan arimaani ay qaadan doonaan tilaabo adag.

Hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa bishii September isku raacay sameeynta dowladda Soomaaliyeed bisha August taas oo badali doonta dowladda KMG ah ee hada dalka ka jirta.


This post has been viewed 107 times.