Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
BoocameOnline
Beesha Dhulbahante iyo Beesha Warsangali oo Ka Wada Hadlay Arimaha Waqooyigga Soomaaliya:
Ahmed Laarri
BoocameOnline
Minnesota
Waxaa Maalintii Sabtidda ahayd 4/21/12 ka Dhacay Magaadda Mpls Ee Gobolka Minnesota shir wadatashi ah oo ay Wada yeesheen guddigga,Odayaasha Waxgaradka Jaaliyadda Khaatumo iyo Waxgaradka Beesha Warsaganligga ee Gobolka Minnesota.
Shirka ayaa Waxaa Soo Qaban qaabiyay ama Casuumadda Sameeyey Odayaasha Beesha Warsangali Ee Gobolka Minnesota.
dhinaca beesha Warsangaligga ayaa waxaa ka soo qayb galay aqoonyano,Siyaasiyiin,dhalinyarro iyo Odayaasha Beesha, halka Dhinaca kalana ay ka Soo qay galeen Odayaasha Beesha Dhulbahante iyo Gudigga Jaaliyadda Khaatumo Ee Gobolka Minnesota.
Wadatashi:
Shirkan ayaa Wuxuu Ahaa Shirkii Ugu Horeeyey oo Wadashi noocan oo kale ah oo ay yeeshaan labadda jaaliyadood,Waxayna la isku Afgaratay in la iskugu yimaado Shirar danbe si ay ugu sii wada hadlaan Arimaha Quseeya labadda Beelood.
Midayn:
Arimaha lagaga Hadlay Shirka Ayaa Waxaa Mid ahaa Siddii loo Samayn lahaa Guddi labadda dhinaca ah oo ka koobaan labadda Beelood ,Siddoo kale Dadka ka Hadlay Shirkan Ayaa Waxay ka Hadleen Muhiimiyadda ay leedahay Midnimadda labadda beelood iyo in ay ka Wadatashadaan Arimaha quseeya.
