Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka naga soo gaaraya magaaladda Galkacyo ee xarunta gobbolka Mudug ayaa sheegaya in caawa duleedka magaaladaasi uu ka socda dagaa xooganl, dagaalka ayaa lagu soo waramaaya in uu u dhexeeyo Ciidamada Amaanka ee maamulka Galmudug iyo Maleeshiyo Beeled oo la sheegay in ay Jidgooymo dhigteen Duleedka Gaalkacyo ee deegaanka Dagaali
Dagaalka ayaa iminka socda waxaana lagu soo waramaaya in halkaasi Khasaara xoogan uu kasoo gaaray Labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay, dhanka kale waxaa lagu soo waramaaya in dagaalkaasi uu ku dhaawacmay Askari ka tirsan Ciidamada Amaanka Galmudug halka intaa kabadana ay dhaawac kasoo gaartay Rayidka halkaasi ku sugnaa